Covid-19: Warbixin ku socota waalidka

Ayaamihi ugu dambeeyay waxaa korodhay warbixinaha saxaafada ee ku saabsan covid-19
(faayraska karoona). Waxaa xitaa lagu sheegayay sida degmooyinka kala duwan ee dalku ay u
dhaqmayaan.

Valdemarsviks kommun waxay go’aansatay inay raacdo talooyinka guud ee Hey’ada dawladeed
ee caafimaadka dadweynaha markay noqoto dhank Faayraska kroona. Hey’ada dawladeed ee
caafimaadka dadweynaha waa hey’ada dawladeed ee qaraanka u qaabilsan arimahan.
Xilligan maanta la joogo waxay Hey’ada dawladeed ee caafimaadka dadweynaha samaysay
qiimeynta ah in khatarta in lagu xanuusado gudaha Iswiidhan ay tahay dhex-dhexaad. Gudaha
Iswiidhan waxaynu leenahy waajibka iskoolka oo micnaheedu waa in qaanuun ay tahay in
ardayda caafimaadka qabtaa ay tagaan iskoolka.

Caruurta iyo ardayda maqnayd ee safartay
Haddii aad haysato ilmo/arday dhawaan tagay qaybaha dhibaatadu saamaysay ee Shiinaha,
waqooyinga Talyaaniga, Iiraan ama Kuuriyada Koonfureed oo leh xumad iyo qufac waa
inaad daryeelka caafimaadka kala xiriirto – telafoonka 1177 – una sheegto calaamadaha iyo
meesha ilmahan/ardayga safarka ugu baxay oo raacdo talooyinka ay ku siiyaan daryeelka
caafimaadka iyo bukaanka. Ardayda aan lahayn wax calaamad ah waxay tegi karaan
iskoolkooda. Caruurta dugsiga xanaanada ee aan lahayn wax calaamad ah waxay ka qaybqaadan karaan hawshooda si caadi ah.

Caruur/arday leh xanuun joogto ah
Haddii aad haysato ilmo leh cudur joogto ah kaas oo ay si dheeraad ah ugu nugulyihiin
infekshan oo aad ka warwarsantahay in xanuunkan ku faafay, waxaa lagugula talinayaa inaad
la xiriirto dhakhtarka ilmahan qaabilsan si aad u hesho talo-bixin.

Is-waydaarsiga caalamiga ah
Iskoolada qaarkood waxay leeyihiin is-waydaarsi ah dhanka ardayda iyo shaqaalaha labadaba.
Wakhtigan iminka lagu jiro wax is-waydaarsi ah ma la samaynayno dalalka loo aqoonsaday
inay yihiin meelo khatar ah. Waxaanu raacaynaa talooyinka Hey’ada dawladeed ee
caafimaadka dadweynaha iyo Wasaarada arrimaha dibeda ee u saabsan safarka dalalka kale.

Warbixin dheeraad ah
Haddii adigaaga waalidka ah aad hayso su’aalo guud oo ku saabsan faayraska karoona
waxaad wixi dheeraad ah ka akhrin kartaa bogga intarnatka ee Hey’ada dawladeed ee
caafimaadka dadweynaha www.folkhalsomyndigheten.se Waxaa kale oo aad wici kartaa 113
13 taas oo ah lambarka macluumaadka ee qaranka.

Talooyin guud
Si iyadoo isla xilligan Maarso loo yareeyo faafida xanuunkan loona yareeyo tirada ayaamaha
xanuunka waxaanu si guud idinkula talinaynaa in lala socdo Hey’ada dawladeed ee
caafimaadka dadweynaha www.folkhalsomyndigheten.se talooyinkeeda sanad walba soo noqnoqda. Dhaq gacmahaaga! Ku qufac oo ku hindhis gacantaada laabatadeeda! Guriga joog
haddii aad xanuusanayso!

Hey’ada dawladeed ee caafimaadka dadweynaha:
https://www.folkhalsomyndigheten.se/publiceratmaterial/publikationsarkiv/g/godhandhygien-affisch-1-svenska/